Tuesday, May 30, 2006

Silsiladii " Mijiyaha " Qaybtii Saddexaad :

Silsiladii " Mijiyaha" Qabytii Saddexaad

Siaad u wada dheegato maansooyinkan Culculus ee ay Abwaanada Hartiyeed is dhaafsadeen Hoos ka soo bilow boga kurna ugu soo soco ilaa aadka soo gaadho Gabaygan haatan ay ishaadu qabanayso ee Abwaan qamaan isagaan haanatan inta Silsiladan laga hayo ugu danbeeya gabay ahaan .

Hadii aanad hore ula socon silsiladan fadlan dib ugu noqo qaybahii hore ee 1aad iyo 2aad waxaand ka wada heli kartaa golhan Godaalo.

Magacyada Abwaanad iyo Haybtood:

1) Abwaan Hure Dabayl {Dhulbahante} Reer Godaalo, Haatan degan U.K

2) Abwaan Qamaan C/waaxid {Warsangali} Reer Dhahareed , Haatan degan U.A.E

3) Abwaan C/laahi Isbaanish {Dhulbahante} Reer Taleex , Haatan degan Spain

4) Abwaan Khadar Boos {Dhulbahante } Reer Buuhoodle , Haatan degan U.S.A

________________________________________________________

Ugu Danbayntii waxaa soo galay Sidii aynu hore u sheegnay Abwaan Khadar oo isna Sidan yidhi:

Hurre iyo Qamaanow nabaddu waa hoodo iyo khayre
Waa hogosha dayrtoo da’doo laga hiraabtaaye
Waa haleelo kuu curatayood ka haqab beeshaaye
Waa hooska damalkoo sidii hadhac laseexdaaye
Waa hawd tigaadliyo nugaal hawdhay geeduhuye
Marse hadii colaad loo hinqado hadimo weeyaane
Hubka inaga dhiga yaan iblays haamo nootumine

Afartaa hanaankaan bartiyo hoga tusaalayn dheh
Hartinimada aan uga dhashiyo hebeladiisii dheh
Hiddaha aan uleeyahay murdida hibashadeedii dheh
Hadimada mataliyoe tolnimo himiladeedii dheh
Ma hawaliyey nimaan howd kudhalan looga hadhiwaaye

Inkastoo hartigu iisinaa hayb kastuu yahayba
Warsangeligu waa noo halyey aan kuhiranaaye
Waa rag aan colaad kaaga hadhin hiilla dirireede
Waa minan halkay kaaxigan cadow kahiiraaye
Waa niman hubqaadiyo xarrago lagu hilaadshaaye
Waa niman hantida ay baxshaan laga hiraabtaaye
Hayeeshee Qamaanow kadiday hadaladaadiiye

Afartaa hanaankaan bartiyo hoga tusaalayn dheh
Hartinimada aan uga dhashiyo hebeladiisii dheh
Hiddaha aan uleeyahay murdida hibashadeedii dheh
Hadimada mataliyoe tolnimo himiladeedii dheh
Ma hawaliyey nimaan howd kudhalan looga hadhiwaaye

Hootadada walaalkaa intaad kula haliilaysid
Oo aad hubkaagiyo ladhici howsarkiyo jiibka
Oo aad haniiyaha kugoyn habar-majeerteenka
Haduu yidhi hartigu yuu islayn way habootahaye
Allay lehe Huraa kaaqumane waad hawiraysaaye
Kaana hoostay maansadu haddaad hoobal ku ahayde

Intii aad colaad hurin lahayd nabadda hoogaami
Oo holaca dami reer tolkeen ways haligayaaye
Hadii kale Caddaad hurin lanoqon habi la’aantaada
Majiyan wixii hawl kadhacay hadimadii taalay
Holokostiguu gaystay baad sheer kahelaysaayo
Heegtii aad sheegtaa kolkaa kuu hurti la’aan ah.

Kadib markii labadii abwaan arin halkaas mariyeen , ayaa sidii aynu hore u xusnay waxaa Silsilada soo galay Abwaan C/laahi Isbaanish waxaanu yidhi sidan:

Had la sheego hawraarta gabay, hadal intuu gaadho
Haabiil markii laga tirshoo, haatan lagu keeno
Nin waliba hunguri waa u qabey, hanashadiisiiye
Waxse hela habeen-dhalad ilaah, hibo u siiyaaye
Ma hannaanin waayadan midii, igu haboonayde

Caawana wuxuun baan hibtee, uma hagoogteene
Sida qabay horweyn loo toloo, maydab lagu hoorshey
Aan hawsha ruuxii lahaa, horay u xoolaynin
Guudkaan ka habay xaajaday, noo hadoodiliye
Gobanimadu waa geed hadhlaad, hoos galgalataaye

Waa hodanka beerkiyo lugaha, lagu hadaafaaye
Waa labada hawliyo indhaha, lagu hagmaayaaye
Waa hogol da’aysaad xareed, ka hirqanaysaaye
Mar haddaad macbuudkaa hayee, haaban kariweydo

Haad iyo dugaag baad u tahay, neef halow badane
Dhul haddaanu heegan u ahayn, ciidan lagu heeday
Hanti iyo macaadin iyo ciid, harag wixii gooya
Waa inay halyeeyadi lahaa, horor ka dhawraane
Huubada baddii lagu qubiyo, maylka hoganaaya

Aan laga horaynayn dhaca iyo, haayirkiyo tuugga
Uu hoogga uurjiifkayagu, u hurgumoondoono
Waa habila’aan doolar aad, hoos ka gurataane
Hartinimadu waa been malaa, laysku hodayaaye
Haddii boocu hago aadmi waa, hadaf ma yeeshane

Hiddo iyo asaas bay ilmuhu, hor u arooraane
Heeraarka kama leexsadaan, haybad loo bogo e
Habkii waalidkood bay waqood, ku hindisoodaane
Nin adoogi heellan u ahaa, hooliflaha gaalka
Oo inan hadhuubkiisu quban, heeryo ugu qaaday

Waa ila haboow sharaf haddii, laga hawaystaaye
nkastoo yaraan lagu hantoo, hilibka loo uunsho
Uu hagacda dhiigiyo raqdaba, halacsigood waayo
Ma hilmaamo weer dhidar inay, hooyadii tahay e
Cadde wuxu hogaanka u qabsaday, hooshid iyo boobe

Waa taa dalkii loo hibayn, haragcadii waaye
In waraabe hebed kuu noqdaa, waa hal aan jirine
Hantiqaran shisheeyaha wadani, uma horseedeene
Markii dahabka ey soo harjadey, hadiyad loo siiyey
Yaaquud markuu huursanaa, halabsigii maagay

Majiyahan si aan loo hantiyin, hoobiyaa dhacaye
Warsangeli hubkii inu ka xigay, hubanti weeyaane
Bagaa dhalad halgamey tuugtu way, na holinaayeene

Afartaa warbaa hadur noqdee, hilin ma qaadsiiyey
Tani waa hadhiimee runtii, haar ma ka cadeeyey
Ma horayne haasaawihii, hurin miyay laaban

Intuu micida meeshuu la helay, honogga dhawraayo
Ama haragga qoomaha ku yaal, aragu hoomaayi
Horor laga ritaa neefka waa, kugu haliilaaye
Haddii dhalan hagaag looga diray, lana huleelsiiyey
Holhol iyo nugaal baa ku xigi, haamintaa bariye
Waxa jeebka loo hulanayaa, heelka sinujiife

Huur iyo wuxuu maalintii, hogob ku dhuuntaaba
Himhimowga fiidkiyo mugduu, bahal hagoogtaaye
Huga wuxu ka yeeshaa dadqaad, waa habeen dumay e
Jeer laga hubsado dawladnimo, hawsha naga qaada
Hurdo dhimatay meel aad dugaag, hoy ka leedahay e
Dabka huriya dhawrtiyo marbuu, halaqa waabshaaye


Jawaab taas markii uu maqlay Hure ayuu isna midkale soo mariyey waxaanu yidhi sidan waxaanu u bixiyey gabaygan Hamrasho :

1 Hada maanso hooyaala gabay hoorintiyo jiibka
2 Hal abuurka heesaha dhulkiyo sacab hanaankiisa
3 Hideheeda nimankii lahaa ama hanaankeeda
4 Oo hibada loo siiyaybaan hilib wadaagnaaye
5 Balaan hidiyo caawana kan ay hibatey laabtaydu

6 Hufnanaan gabayga waalagu yaqaan haybta aan'ahay
7 Hubsiimada tolkay waaku caan haankastuu yaheye
8 Hadimada mataliyaane way kahor tegaayaane
9 Hadiise xaalku uu halista galo uma hanbeeyaane
10 Hal adayga waalagu yaqaan taniyo haabiile

11 Halyey dabin kaboodiyo anigu reer hartaan ahaye
12 Hadaan faraska heensaha labarin horena loo fuulin
13 Intuu kula halaabuu dhulkale kugula haadaaye
14 Halisiyo wuxuu kula galaa hohiyo layn'dayre
15 Meel cadawgu uu hoganayuu kula hadaafaye

16 Haylaale awr lama rartoo aan hayin ahayne
17 Layligu hayaan kuma wacniyo hoga kaliileede
18 Heeryaduu wuxuu kaadhigaa hayjadiyo oonne
19 Ninkii aan higaadbaran quraan hoorin kariwaaye
20 Haghagguu kusheegaa naxwaha soona heliwaaye

21 Hamsihiyo waxays kaga qaldama hoosdhiyo laame
22 Ninmaan gabayga lagusoo habinoo lagu hadhuub siinin
23 Sidii caanihii halab ninmaan hagar la'aan buuxisan
24 Bidixduu ka haaneedayaa kana horseedaaye
25 Hoheey sida qamaan buu habaas ku hafan doonaaye

26 Halalawsin buu kaladhacaa taniyo haybooqan
27 Hindisaha qamaan ba kadhigan hadaladiisiiye
28 Mar hadaad hanankii socdiyo haybadii lumisay
29 Hadaaq kuma tilmaamine qamaan hadaladaad sheegtay
30 Hadday habar gudda'ah sheekadii haatan kula aaday

31 Hadaad gabadhyar hayn'teda iyo marisid hoosteeda
32 Kaa hoostay sheekadu haday kula haboonayde
33 La habawday haasaawihii heelka loo dhigaye
34 Hawd sere intaad adayoo heega sare laacday
35 Intaad hadaftey baad ina'abtow seegatay hilinkiiye

36 Ways kala han weynahay hadaad hayb kufaan tahaye
37 Hoos ugama daadego hartiga haykalkaa sare'e
38 Halkad igula socotan arkaa uhudamaysaaye
39 Inan kugu habsaamaan kabiqi kugu hungoobaye
40 Wayga haniye inaan kula hadlaa haatan dabadeede

41 Sidii weer hurdoo laganaxshaad halista jiidhaye
42 hadalkii adeerkaa intaad hibasha reemaysid
43 Hubka iyo intii aad warmaha kula halilayso
44 Sidii ida habeensaday cidlada how hortaa socone
45 Meel hadal mudnayd baad rasaas kula horayseene

46 Hilbahooda nimankaad dhigtoo haadu faganayso
47 Yaakaa habeen xiga adays heedhay boqontiiye
48 Sidii aarka hawdkiyo kaciyey harada buuhoodle
49 Oo gool habeen saday cuniyo halan lasoo hoynin
50 Hadaan kugu hamaan sado marqudha ima horjoogteene

51 Gobta hooyaday aytihiyo hurinta reer yuusuf
52 Haaruun dubaysiyo abtaan ku hamranaayaaye
53 Igasoo hagaag yaan kujarin labada hayloode

Markay halkaa arini marayso ayaa hadna Qamaan soo rogaal celiyey waxaanu yidhi sidan Gabay uu u bixiyey Hubsiimo :

Waa hadiyad maansadu ilaah hiba kuu siiyaaye
Hanaan-keeda nimanbaa bartoo haykal keeda lehe
Hinbiriir-si maaha iyo in aad ku hanfariir taaye
Handad laguma dooniyo Hurow haybin iyo boobe
Ana waxan hubaa in aan murtida hagi aqaanaaye

sida heega roob oo da’diyo hogosha oo hoortay
oo uumiyahan haqabtirtoo daadku hagac leeyo
oo haama laga buuxsadoo had iyo jeer taala
oo aan harayn ee sidii hir isu taageysa
oo ruuxi hoomaayayaa u hanqal taagaay

oo lagu habsaamoo in badan loo hub guranaayo
oo ey bulshadu haybisoo u hanbalyayneyso
oo aadan hayn karin adiyo hurinta aad sheegtay
oo aad hadhow diilal iyo huq uga aayeyso
oo hawsaarka iyo jiibta iyo kaaga daran hooto
oo hibi-tiqeysoo sidii huluc ku saamaysayoo aad

hubaashii naxwaha ku hafa-too yaabto
oo aad habeen kii hurdiyo gogosha hayn weydo
ood heesta kaga waalatiyo hadal wal waaleedka
ood ku hadar meysaan-hayaa huban tidaydiiye

Afartaa higaadii tixdiyo horudha-ceedii dheh
Afarkalena hadafkaan watiyo hogor gal kiisii dheh

hadaan dhaagey hadal kaaga oo hubiyey taagtaada
oo aan hilaad iyo culas heer kasta u eegay
oo daar abwaaniyo matihid niman kii reer hawde
cali aadan hurintuu ahaa hadal maseegeene
haybtii ismaaciil miraan hibasha reebteene
maham rado dirkii ina baxnaan mana hanbayee

hal adayga niman kii lahaa umahadleen saase
hida umalahayn cumar wacays gabaya haabkoode
waaka hordegey-seen murtida tan iyo haabiile
been ku hadli maayee majiro hebel lasheegaaye
adigana waxbaa kula hadloo kuu hogaan lulaye

maan dhow hubsiimada mar baa hala lasiistaaye
hanfadaa in aad tahay fudayd lagu halaakeeyey
hanjabaad kuwii kaa mudnaa waaka hurudaaye
waaka hawaleysaa ragii haanka kuugalaye
hilib kiini maantey wareen harada boosaaso

oo uu hareeraha wadada dhiigu hagac leeyey
oo meydka haad kiiku dhacay higil madoobaadey
haaneedka inamii lajaray ama horaad kooda
hartinimo anaa maalin taa kuu halaahalaye
habqan kiina waataan guryaa kuhayey maalmaye

hosbitaalka waataan kadhigay hoyga aan galo e
waataan habeen iyo dharaar heegan kuugalaye
mahal maan santahay sow ragii hiilin jirey miihin

Afartaa halbowlaha murtida himiladeedee dheh
Afarkalena wiil kaahamraday hoga tuskii siidheh

hal hadii dugaag looxiroo la herdan siinaayo
hororkiyo dhurwaagiyo wexey dacawo hiigtaaba
hilib kiyo baruur tiyo hadii darib lahaan fiilo
aar soohan kaabsaday haduu dhidar kahoomaayo
hor alee in uu dib u gurtoo orod is haynwaayo
waa kuu haboonayd in aad hadal kadeysaaye

Haaruun dubeys kaad gashaan ku hakanaayaaye
Hadaan hurinta reer maxamed cumar kuugu jirin
hooyo heeg baad ku fiicnayd maxkamad lagu horgeeyaaye
heerya-cun in taan noqon lahaa hiifay ubad kiisaoon
halista kugu goyn lahaa ha iyo wowreeban
halkaaga ku joog ina abtow laysla dhaaf hadale



Gabaygaas markuu mariyey Abwaan qamaan ayuu Hurena midkan ku soo jawaabay waxaanu yidhi sidan Abwaan Hure :

Abtiyaashay inaan eedkagalo ama ku aabyoodo
Ama aan aduunkooda dhacan oodafada saaro
Ama aan akhlaaq xumi kukoco way indha la'aane
Arinkaygu maahayn inaan ku adyadoodaaye

Umaan jeedin inaan reerkale u afraduubaaye
Alaa igu'og uurkiyo qalbigay igaga yaaliine
Irbad caaradeed uma ogoli inay asiibtaaye
Eex iyo inaan qalad kagalo way aqoon xumiye

Aqbalimaayo ruuxay iyaga kala irdhoobaane
Mana inkirin in'eed lagagaloo waan ogsoonahaye
Hayeehee islaam'nimadu waa shay asaasiyahe
Amuuraha socdaan waxan jeclaa inay abyoobaane




Waa gabaygii 2aad ee uu Qamaan sootiriyo , waana kii 4raad ee Silsilada ,Qamaan C/waaxid waxa uu ka jawaabayaa Gabay uu Sootiryey Abwaan Hure waxaanu yidhi qamaan sidan :

Hada maanso waataan hurow daayey hadalkeede
haruubkeeda waataan dhigiyo himila deediiye
haaneed ka adigaw qabtoo soohorooyiriye
balkan hoobso kiihore malaa halalac kuudhaafye

hufnaan talisay oo inababtow hadashay taagtaaye
hawlina mafiicna iyo dhib aan harin abiidkeede
halis adiga oon rabin in aad huriso baaruudahal
haleel mar bey kulaga heshaa hadaf colaadeede

heer qaran nin lagu weeraroo guuta lahorkeenay
oo hebeladiisii ladiley waahal gamayaaye
hurina maayo inuu maatadiyo hoyga daafaco e
goor tii halgaadiyo warmaha laysku hayl hayleyoo

hawsarka iyo jiib ka iyo hoobi yu hu yeeray oo ey
hubaashii garteen huluca saameeyeyoo haybta aan ahay'e
difaac heegan u istaagey halkii inigaladh waxakujira hayadiitimiye
iyagaa huqdey kala kulmeen hiifay dabadeedekana huleelyey

hawshuu kawadaey horor kiigaab naayesidise dhidar habeen
seexday oogoor harkiya toosay heeyhaata adigoojiraad heestay
keligaaye halfudayd ka waalagu yaqaan haybta aad tahaye
hartinima dii idin kaa dhigoo heegan soogalaye

hadal kuulahaa ini afqurac kuma haboonayne
halkii aan larabey iyo ma iman haykal kiisare e
hiin raaca ini xaabsadii uhanbal yaynaayey
meeshaad in aad hawlga shiyo hiilan filanaayey

adaa kaalin taa dii horow soohareer maraye
hayin noqo majeerteen miyaad nagula soohaadey
waxba gabay gu yuu ilahad fine waxan ku soo hoor
sheyhabar tii hablaa kale gudoo teeda hanan weydey
iyo adiga hadal kaaga kani hal isma door shaaneintaad
cadow hareeraha ku jira uhanqal taageysohoos ugu deg
teenaa kadaran tii hagoogane

0 Comments:

Post a Comment

<< Home